Monday, August 23, 2010

Jubbaland Military leader Barre Hiiraale start moving troops

[2010-08-23 09:04:10] saacadihii la soo dhaafey waxa degaano ku xeeran gobolka Gedo laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan kuwoodii ugu awooda badna oo ay halkasi ka wadaan cidamo uu hogaaminayo Col bare aadan shire [ bare hiraale .




Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa ah mid u bare hiraale sida la sheegey uu ku doonayo inuu dib ugula wareego gobollada Gedo & jubooyinka oo ay hadda maamulaan Xarakul shabab Mujaadihiin oo uu dagaalo kula galay goboladaasi mudo badan.



Bare hiraale ayaa la sheegey inuu shalay dib ugu soo laabtey magaalada doolow ka dib kulamo uu madax dawlada kmg ah & itoobiya kala soo yeeshey magaalada addis ababa ee dalkaasi itoobiya.



Ciidan shalay galinkii dambe la sheegey inay dhaqdhaqaaqyo ciidan halkaasi ka bilaabeen ayaa la sheegey inay gaarayan kumaaan ciidan ah oo ku wajahan gobolada jubooyinka & Gedo.



Lama oga xilliga cidamadani u soo ruqaansan doonaan gobolka Gedo oo ah meesha ay dulaankooda kowaad ku soo ekeynayaan,waxaana dadka degaanadaas la soo deristey cabsi saa'id ah.



Xafiiska warqabadka

allwariye media online

Baardhere,Gedo
 
http://www.allwariye.com/

No comments:

Post a Comment